16/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ciidamo argagixisadu ka baqdo oo si toosa ugu biirey ciidanka dawlada: SAWIRO

Waxa maanta magaalada Dhuusamareeb ka dhacdey munaasabad ciidankii argagixisadu ka baqi jirtey ee Ahlu suna loogu wareejinaayo oo hal mida looga dhigayo ciidanka qaranka. Waxa munaasabada joogey Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxa Ahlu sunna sheekh Shaakir.



Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Ciidamada u sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay si rsami ah uga mid noqdeen ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed. isla markaana xaquuq ay ku leeyihiin dowladda dhexe ee Soomaaliya.



Ciidamada oo Boqolaal gaaraya ayaa isla maanta waxa la marsiiyay Hab-raaca ay kaga mid noqonayaan Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS