12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ciidamo cusub oo Burundi keentay Muqdisho: SAWIRO

Ciidamo cusub oo kasocda dalka Burundi ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ciidamadan ayaana loogu tala galay in ay badal u noqdaan ciidamo kale oo dalkooda dib ugu laabanaya.

Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM ,ayaa ciidankan cusub kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana ciidamadan buuxin doonaan kaalinta ciidamo kale oo waqtigooda dhamaaday dalkooda dhawaan dib ugu laabanaya sida ay saraakiisha AMISOM sheegeen.

Major John Manirakiza, oo kamid ah saraakiisha ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa sheegay in ciidankan cusub ka rajeenayaan in wax qabad muuqda la yimaadaan ayna halkooda kasii wadaan taageerida Nabada Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheed markii sidan oo kale Muqdisho usoo gaareen Ciidamo kale oo kasocda dalka Uganda, kuwaa oo iyana lagu badalay ciidamo kale oo horey uga howl galayay gobolka Shabeelaha Hoose waqtigii howlgalkoodana uu dhamaaday.

burd_1

burd_2

burd_3

burd_4

burd_5

burd_6

burd_7

burd_8

burde_5

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS