November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ciidamo deegaaneed iyo kuwa xooga dalka oo u ruqaansaday Xarardheere oo argagixiso ka taliso

Ciidamada deegaanka Galmudud iyo xooga dalka ayaa u ruqaansaday deegaanka Xarardheere ee Mudug oo argagixisada shabaab muddo haysatey. Dadfa deegaanka ayaa naqasku ku dhegan yahay min muddo ahba.



Ciidamada ayaa ka dhaqaaqay deegaanka Camaara waxana la arkayaa diyaarado dul heeheebaya deegaanka si argagixisada u fakan.

Baqdin xoogleh ayaa la soo derisay argagixisada sida dadka deegaanku sheegayaan iyo dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay ka wadaan Degmada Xaradheere, halkaasi oo ay doonayaan in ay ka difaacdaan Ciidamada ku soo wajahan.



Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in aysan bixin karin macluumaadka la xiriira dhaq dhaqaaqa Ciidanka ay wadaan, balse qorshaha uu yahay Ciidanka in ay la wareegaan gacan ku heynta Xaradheere.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed ayaa dhinaciisa sheegay in Ciidanka Howlgalka ay u dhaqaaqeen, balse aysan bixineyn macluumaad ilaa natiijo rasmi ah Ciidanka ay ka soo hooyaan.

C/llaahgi Warmooge

ARAABINEWS