Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la wareegay xarumo uu maamulku leeyahay sida bangiga iyo xarunta maaliyada. Cabdiwelli Gaas ayaan bixin mishaharada ciidanka tan oo loo aanaynayo.
Shaqaalihii ku sugnaa xarumahan ayaa waxay askartu ku amreen inay ka baxaan goobtaasi si nabadgelyo ah, amarkaas oo dadkii shaqaaluhu u hogaansameen.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo guda galay xalka arrintaan ayaa askarta u sheegay in qayb ka mida la siinayo mishaharka, waase laga diidey.
Waxaad is waydiin kartaa waxa markii hore loo siin waayay xuquuqdooda. Maaha markii ugu horeysay ee askarta maamulka Puntland ay la wareegaan xarumaha lacagta laga bixiyo si ay xaqooda u dhacsadaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay