X

Ciidamo isku rasaaseeyay duleedka Cadaado

Israsaaseyntan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka soo ambabaxay Gaalkacyo kuna sii jeeday Dhuusamareeb ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka magaalada Cadaado.


Waxaa la xaqiijiyay in iska hor imaadkan uu ku dhintay Hal askari, halka ay ku dhaawacmeen Laba kale oo ka mid ah dhinacyada wada dagaalamay ee ka wada tirsan maamul goboleedka Galmudug.

Masuuliyiinta Galmudug ayaa sheegay in ciidamo ay ku baxeen goobta uu falka ka dhacay, islamarkaana ay socdaan baaritaano falkan la xiriira, si loo ogaado cida qaladka leh.


Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in saaka magaalada laga dareemayo israsaaseynta xalay dhacday, sidoo kalena ay jirto cabsi kale oo ku aadan in markale ay wax dhacaan.

Isku dhacyadaan ayaa imaanaya xilli maamulku burbur ku dhowyahay maadaama ayna jirin madax la ogyahay oo shaqaynaysa. Waxa xilkii laga tuurey Xaaf, halka taageereyaasha Xaafna leeyihiin waxaan xilkii ka tuurney gudoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeenka Xaaf.

C/llahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.