X

NISA oo ku guulaysatey qabashada xubno argagixiso ah

Somali government security forces inspect deserted houses in Elasha town 30 km (18 miles) northwest of Mogadishu June 2, 2012, during an operation to arrest suspected al Shabaab militants. Al Shabaab has in the last nine months surrendered territory under military pressure in and around Mogadishu and in parts of southern and central Somalia where they are battling Ethiopian and Kenyan forces. Picture taken June 2, 2012. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: SOCIETY CIVIL UNREST CRIME LAW)

NISA ayaa ku guulaysatey qabashada xubno argagixiso ah. Qoraal NISA ay siisay saxafada ayaa waxa ay ku sheegtay hawlgal laga sameeyey xaafad ka tirsan Muqdisho in ciidamada ammaanka ay ku qabteen laba ka mid ah dhiigmiiradka argagixisada.


NISA ayaa sidan tiri “19-ka Sabtembar, 2018, ciidamada amniga ayaa laba shakhsi oo dhiigmiiradka argagixisada ah ka soo qabtay degmada Dharkeynley ee Magaalada muqdisho, hawlgalka cidi wax kuma noqon, nagu garab istaaga si aan u difaacno dhammaan shacabkeenna.”


Hawlgalada ciidamada ammaanka ay ka sameynayaan magaalada Muqdisho ee lagu soo qabto xubnaha ka tirsan argagixisada ayaa maalmahan dambe kordhay, iyada oo aanay jirin ragga la soo qabto in warbaahinta loo soo bandhigo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.