November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ciidan ayaan u dirney dhalinyaro gooyay jidka Boorama iyo Hargeysa: FARATOON

Shalay ayay ahayd markii la gooyay jidka u dhexeeya Boorama iyo Hargeysa iyadoo dadka deegaanku ka gadoodeen cadaalad xumo taagan oo lagula kaco dadkooda.



Dhalinyartan dhiigu kacay ayaa gooyay jidka isku xidha Boorama iyo Hargeysa gaar ahaan aaga Dilla iyo Magaalo cad. Wasiir Faratoon ayaa ku faanay in uu ciidan u direy.



Wuxuu kale oo u sheegay in ayna jirin cid wax ku noqotey labada dhinac. Waxa welli xidhan badhasaab ku xigeenkii hore ee Boorama Dheerayste oo la iska xidhey lana garanayn cida amarka bixisey.



Boorama ayaa kow ka ah magaalooyinka dadka layska toogto hadana aanay jirin cid loo qabto sida dhacdey dhacdooyinkii garoonka iyo midkii gudaha magaalada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS