X

Ciidan beeleed iyo booliiska Muqdisho oo isku dhacay

Dagaal gaaban ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho halkaas oo is rasaaseeyeen ciidan beeleed la sheegay inay ka yimaadeen Balcad oo aan la garanayn halka ay u socdeen iyo booliis jooga halkii loogu talogalay. Ciidanka booliiska ayaa la sheegay inay gubeen gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidan beeleedkaas aan la garanayn.


Dad goobjoogeyaala oo saxaafada u waramay ayaa sheegay inuu jiro qasaare laakiin ayna xaqiijin karin in dhimasho jirta. Is rasaasaynta ayaa markiiba qaboobey, waxana cad in ciidan beeleedkan aan la garanayn cida siisay amarka ay ku yimaadeen Muqdisho.


Wasaarada difaaca ayaan war ka soo saarin is rasaasaynta iyo waxa ciidanka wata dharkii iyo gawaadhidii dawlada ay ka qabanayaan goobta ay yimaadeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINE

admin:

This website uses cookies.