X

Ciidan la dhex geeyay laba jufo oo isku cunaya Mudug

Kadib markii muddo sadex cisho ah ay deegaano Taliskamuddola mida Mudug isku cuneen Laba beelood oo walaalo ah ayaa ciidanka qaybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed u direen ciidan deegaannadaas sida Towfiiq iyo Tuulada Afbarwaaqo.


Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay ka ambabaxeen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,  iyaga oo kaashanaya Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta ay kala dhex-geli doonaan labada maleeshiyo beeleed ee dirirtu dhex-martay.

In kastoo xilligaan ay degan tahay xaalada deegaannadii lagu dagaalamay ee Bariga Gobolka Mudug hadana dadka deegaanadaas waxaa ay sheegeen inay cabsi dareemayaan.


Dagaalkii shalay markale labada maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray duleedka degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ayaa la sheegay inay ku dhinteen 20 qof.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.