November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ciidan loo malaynayo kuwa dambi baarista oo u daatey guri wasiir hore

Ciidan loo malaynayo kuwa dambi baarista ayaa guri wasiir hore u daatey magaalada Muqdisho. C/raxmaan C/shakuur oo ka tirsanaa dawladii ku meelgaarka ahayd ayaa la sheegayaa in ciidanku isku dayay inay galaan gurigiisa.



Waxa wararku sheegayaan in lagala horyimi iska caabin. Welli war sugan lagama hayo waxase loo malaynayaa inay ciidanka dambi baarista yihiin.



Xilliga warkan uu soo dhacay ayaa dhaaftey saqbadh magaalada Muqdisho dadka badankiisu hurdaan.

Maanta ayay ahayd markii xeer ilaaliyaha qaranka uu soo bandhigey rag xildhibaano ah oo wada arin qaran dumisa lacagana la soo siiyay si dawladba uga hirgelin dalka.



Wararkii u dambeeyay ee aan helnay ayaa sheegaya in ay yihiin cviidanka NISA ee sirdoonka oo gurigiisa ka kaxaystey xildhibaan C/raxmaan C/shakuur.

Ciidanka ayaa la sheegay inay si xeeladaysan u guteen waajibkooda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS