24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ciidanka NISA oo qabtey gaari ay ku jireen kambuyuutarada gacanta oo qaraxyo lagu fulin rabey

Ciidanka hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA ayaa ka hortagay weerar Qarxyo ah oo la doonayay in loo adeegsado kobiyuutarada gacanta oo gaarayay 7 Xabo iyo gaari laga buuxiyay Walxaha qarxa, iyadoo Ciidamadu sidoo kale Xabsiga dhigeen ninkii diyaarinayay qaraxyada.

Saraakiil ka tirsan Heyadda NISA oo Magacooda ka gaabsaday ayaa wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in howlgankan oo ka dhacay Xaafadda Nasrudiin ee degmada Howl Wadaag ay ciidamada ku qabteen nin gudaha gurigiisa ku diyaarinayay Combiyuutarro qarax lagu xirayay si bulshada soomaaliyeed loogu waxyeeleeyo.

Hayadda ayaa Sheegtay in xogta ninkaan ay heleen sirdoonka Soomaaliya in mudda ahna la daba joogay ugu dambeyn maantana si qorsheysan ay ciidamadu gacanta ugu dhigeen iyadoo aan wax qasaare ah dhicin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS