X

Ciidanka Danab oo hawlgal argagixiso baacsi ah ka fuliyay Sh Hoose: SAWIRO

Ciidanka Danab ayaa hawlgal argagixiso baacsi ah ka fuliyay Sh Hoose. Isniintii ayeey aheyd markii hawlgalkaan uu dhacay, iyadoo Taliska ciidanka Xoogga dalka Somaliya ay sheegeen in lagu burburiyay gaadiid qaraxyo u soo siday Magaalada Muqdisho.



Abaandulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya C/laahi Cali Caanod ayaa sheegay laba gaadiid oo qaraxyo u soo waday Magaalada Muqdisho in lagu bur buriyay halkaasi.

Deeganada Hawlgalka ay ka dhaceen, ayaa waxa ay kala yihiin Awdheegle, Mubaarak, Daanyeerey iyo Ugunji oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.