X

Ciidanka dawlada oo argagixiso ku jabiyay Diinsoor

Ciidanka dawlada ayaa degmada Diinsoor ee gobolka Bay ku soo bandhigey meydka labo Ka mida argagixisada kadib dagaal ciidanku ku qaaday argagixiso ku sugnayd deegaano u dhow degmada Diinsoor. Waxa degmada la keenay meydka laba dhiigmiirad oo ka tirsan argagixisada ayuu yiri daawade jooga Diinsoor.


Hawlgalka hilfaha loogu qaaday argagixisada ayaa waxa fuliyay ciidanka dawlada oo garab socdaan ciidan ka tirsan maamulka Koofur galbeed. “Waa guul waxa saaka ka dhacay deegaanka ayuu yiri Xasan C/raxmaan.


Argagixisada oo dhuumasho ku dagaal gala Isla markaana qaraxyo ay muslimiin badan ku hoobteen ka fuliya dalka ayaan hadda awoodin dagaal xoogan oo ay la galaan dawlada.

Waxay inta badan adeegsadaan dhalinyaro aan qaan-gaarin oo xataa loo sheegin halka ay ku socdaan cida joogta laakiin loo sheegay keliya in gaalo la dagaal galayaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.