X

Dhacdo cajiiba: nin naafo ah oo lugtiisa dhac ku gaysan rabay

Dhacdadan cajiibka ah ayaa ka dhacday dalkaasi Baraasiil kadib markii nin naafo Ka ah gacmaha iyo lugaha uu isku dayay inuu dhaco nin tukaanle ah. Ninka tukaanka leh ayaa markii hore u haystey kaftan markii ninkan saaran gaari-naafada uu ugu hanjabay inuu lacagta soo dhiibo.


Markii tukaanlaha maqli waayay waxa ninkani rabo ayuu ninkii naafada ahaa la soo baxay baastoolad kuna qabtey lugtiisa maadaama uu gacmaha naafo ka yahay.

Waxana la arkayaa ninkii oo lugtiisa bastoolad Ku haya kuna soo jeediyay ninkii tukaanka lahaa. Waxa cajiiba inuu jeebka qoriga Ku dhaqdhaqaajiyay lugtiisa.


Dhaca uu qaaday ninkan naafada ah ayaan guulaysan kadib markii booliiska loo wacay oo Ka qabtey isagoo meel fog gaarin. Waxyar kadib markii la geeyay xarunta booliiska was la sii daayay markii la ogaaday in aanu waxba dhici karin. Dhacdadan ayaa ka yaabisay booliiska iyo dadkii maqley.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.