X

Ciidanka dawlada oo deegaano horleh kala wareegay argagixisada

Ciidanka dawlada ayaa deegaano horleh kala wareegay argagixisada shabaab gaar ahaan deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha dhexe. Deegaanadan ayaa ciidanku markii hore qabsaday laakiin haddana isaga soo baxeen maadaama ay yihiin dhul miyi ah.


Hawlgalka ayaa sii socon doona ilaa laga xaqiijiyo in dhiigmiiratadu ayna dib ugu soo noqon deegaanadaas iyo kuwa kale ee sugaya inuu yimaado ciidan dawladeed ayuu yiri Odawaa Yuusuf. Argagixisada shabaab ayaa jabay mana haystaan ciidan joogta oo hayn kara magaalo.


Dadka ku nool deegaanada ay joogaan dhiigmiiratada shabaab ayaa habeen iyo maalin ku jira baqdin haddase waxay dareemayaan nafis iyo xoriyad.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.