X

Ciidanka dawlada oo dul degay deegaano ay isku cuneen maleeshiyo beeleedyo: SAWIRO

Ciidanka u diiwaan gashan dawlada ayaa ka dul degay deegano ay isku dirireen maleeshiyo beeleedyo oo ka tirsan gobolka Galguduud si loo ilaaliyo nabada. Waxa ciidanka dawlada weheliyay kuwa Amisom ee Itoobiya.



Deegaanada ay Ciidamada gaareen ayaa waxaa ay kala yihiin deegaannada Balicade, Furinta-Foore, Qowaa, Dacdheer, Qorof, Miiro-cowleed iyo Bacda. Dadka degan deegaanadaas ayaan barakicin.

Maamulka Galmudug aya ciidamo hore u geeyay deegaanadaas si maleeshiyo looga ilaaliyo inay barakiciyaan dadka sidoodiiba u rafaadsan.  Waxa hore loo dhex dhigey labada maleeshiyo nabad aan ku taagneyn lugo adag.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.