X

Turkiga oo mar dambe xasuustey Somaliya oo qalab caafimaad soo diray: SAWIRO

Dhawaan ayay ahayd markii deeq caafimaad oo lagu hungoobey ay Imaaraadku ka dejiyeen Muqdisho, waxayse taasi kicisay Turkiga oo dawladaha waaweyn ka iibiya ama ugu deeqa qalabka caafimaad laakiin ilaaway Somaliya.


Inkastoo Somaliya guud ahaan aanu badneyn cudurka Kooro haddana waxa dalku u baahnaa inuu ka gaashaanto ka hortegida cudurka, wuxuuna filayay in Turkigu si degdega ula soo gaaro qalab caafimaad.

Inkastoo la is oran karo ma jirin dalab ka yimi dawlada Somaliya, waxaadse niyada gelin kartaa in Turkiga oo askar tababarta ciidanka Somaliya u joogaan Muqdisho uu la gaari doono qalab caafimaad.



Si kastaba ha ahaatee sida ay qortey wakaalada wararka ee Turkiga waxa caasimada dalkaasi ka soo baxay diyaarad weyn oo sida qalab caafimaad una soo jeeda dalka.

Waxay caawimada ku tilmaantey mid dalku hore u gaarsiiyay dalalka aduunka haddana in kale la gaarsiinayo dalka Somaliya oo RABI ka hayay cudurka Kooro.


ā€¯Waxaan oran karaa Turkigu waa la soo daahay caawimad xilli lagu hungoobey wahaabiyada Imaaraadka oo istuskeedu keenay in Turkigu kaco ayuu yiri Xuseen Warsame. Waxase hubala in caawimaada Turkiga aan lagu hungoobeyn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.