November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ciidanka dawlada oo sheegay in ay qabteen gaari xasuuq loo adeegsaday

Ciidamada taabacsan dawlada ee jooga Shabeelaha hoose ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari caasi ah oo loo adeegsaday xasuuq deegaay Golooley loogu gaystey dhaqaale caafimaad. Waxa xasuuqaas siyaasadeeyay siyaasiyiinta beesha ay ka dhinteen oo ku eedeeyay madaxweynaha Somaliya ayagoo keenin wax cadayna.



“Gacan ku dhiigle Muqdisho haysan jirey xaafado Ka mida Muuse Yalaxow haddana ku fadhiya waxa loogu yeero aqalka sare ayaa sheegay in shaqaalaha caafimaad ee la diley iyo kuwa wax dileyba ay beeshiisa yihiin wuxuuna ku fashilmey inuu beesha Ka keeno kuwa diley.

Nabadoon ka kadley gaariga la soo qabtey oo sheegay in gaarigaas laga yaqaanay deegaanka haddana loo kaxeeyay dhinaca dembi baadhista.



“Haddii dadka wax diley iyo kuwa la dileyba ay isku beel yihiin’ waxa laga rabaa beesha inay magacaaban dadka wax diley waxa ay yihiin intii eeda dad kale la saari lahaa ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS