X

Ciidanka Indooniisiya oo joojiyay arin ay ku samayn jireen hablaha ku biiraya

Wasiirka difaaca ee dalkaasi Indooniisiya ayaa shaaca ka qaaday inay joojiyeen waxa loogu yeero ”bikro eegista” hablaha ku biiraya ciidanka. Waxa caadi ahayd in laba farood lagu eego inay bikro yihiin iyo in kale intaan la qorin.


”Ma jirto waxaas hadda waan joojinay ayuu yiri wasiirka difaaca dalkaasi. Milatariga difaaci jirey arintan ayaa ku sheegay laba farood gelinta mid lagu hubinayo akhlaaqada gabdhaha ku biiraya.

Waxa aad looga qayliyay in muddo ah ayadoo la ogyahay in bikradu ku jabi karto siyaabo farabadan dhaqankan foosha xun ee ka dhexjira ciidanka. Bikrada ayaa sida ay sheegayaan dhaqaatiirta caafimaadku ku jabi karta siyaabo kale.


Waxa iyana sidaa iyo si la mida samayn jirey ciidanka badda ee dalkaasi oo weliba iyagu sheegay in ragga laftiisa la eego akhlaaqdooda inta ayna ku biirin ciidanka.


”Rag iyo dumarba waan eegnaa inay bikro yihiin laakiin hablaha waxa la mariyaa dhaqtar si loo hubiyo inay lahayn uur iyo xanuuno kale oo ku dhaca ilmogaleenka ay jiraan ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidanka badda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.