Ciidanka Itoobiya ayaa inta badan jabiyay difaacii Tigreega ee magaalooyinka waaweyn ee gobolka haddana ku siqaya magaalo madaxda Tigreega ee Makale. Tigreega ayaa hubkii ugu farabadnaa geeyay gobolkooda mudadii ay xukunka hayeen halka gobolada kale uu qixiyay dadkooda.
Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in Tigreegu ku jiraan tii ugu dambeysay oo ay hadda burburiyeen madaafiicdii ay kolba dhinac u tuurayeen, xilli ay dirsadeen qaylo dhaan dheer inkastoo ilaa hadda ayna jirin cid u soo gurmata.
Tigreega ayaa mudadii uu ukunka qabsaday Cabi Axmed kala horyimi mucaarad ku dhisa nisla weyni, ayagoo isku halaynaayay hubka iyo ciidankooda ay ka buuxiyeen gobolkooda.
Ciidanka Itoobiya ayaa hadda u ruqaansaday caasimada gobolka Makele ayagoo dhinaca kalana ku socda magaalada Agsum kadib markii ay qabsadeen degmada Shire.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay