X

Ciidanka Itoobiya oo Tigreega ka eryay tuulooyin badan

Ciidanka Itoobiya ayaa tuulooyin farabadan oo Tigreegu ka joogay gobolada Axmaarada iyo Canfarta dib uga eryaday. Tigreega ayaa madaafiic ku garaacay degmooyin ay degan yihiin Axmaaradu halkaana ku diley dad shacaba.


Degmada Wuchale ee gobolka Axmaarada ayaa ka mida degmooyinka ay wada degaan Oromada iyo Axmaarada ee dadka shacabka lAgu diley. Inkastoo Tigreegu sheegteen inay qabsadeen haddana warkaasi waxba kama jiraan.


Weerarada Tigreega ayaa waxa faahfaahiya idaacadaha reer galbeedka ee taageersan, waxay kaloo siiyaan kharashaad Tigreegu dagaalka ku sii wado.


Tigreega ayaa muddo 30 sanno hub urursi ku jirey iyago doonaya inay ka go’aan Itoobiya hadda ay hogaanka u hayaan Oromada iyo Axmaarada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.