X

Jaamacada Jigjiga oo bilaabaysa dhigasho aad u muhiima

Jaamacada Jigjiga ee dawlada Somali galbeed ayaa bilaabaysa dhigasho aad u muhiima xilli dalka uu ka buuxo kheyraad dihan oo aan la taaban qarniyo laakiin ay ogyihiin dawlado hore u sameeyo baadhitaan.


”Waxaan dhawaan qaadan doonaa ardayda dhigan doonta batroolka iyo shidaalka kale ee ka buuxa Somali galbeed ayuu yidhi madaxa jaamacada Jigjiga. Barashada cilmiga batroolka iyo shidaalka guud waxay anfacaysaa gobolka.

Faahfaahin kama bixin nooca dhigasho ee ku jiri kara maadadan muhiimka iyo inay ku jiri doonaan tijaabooyin. ”Waa dhigasho aad u muhiima oo aad loogu baahnaa ayuu yidhi Xirsi Warfaa.


Waxa soo baxaya arday la filayo inay iyagu gacanta ku dhigaan qaybta maamulka inkastoo soo sarista welli baahi weyn ka jirto. Dhulka Somaliyeed ayaa dihan kheyraad nooc walba ah.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.