X

Ciidanka kamaandoosta oo gacanta ku dhigey hub iyo qaraxyo argagixisadu ka carartey: SAWIRO

Ciidanka kamaandoosta Somaliya ayaa gacanta ku dhigey hub iyo qaraxyo argagixisadu ka carartey. Qaraxyada iyo Hubka ay Ciidanka Danab qabteen ayaa argagixisadu kaga carartey guri ku yaala tuulada Baladamiin ee Sh Hoose.



Saraakiil ka tirsan ciidanka Danab ee Kumaandooska Soomaaliya ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Saddex Kartoon iyo Sanduuq ay ku jiraan Qaraxyo iyo Rasaas oo yaallay guriga.



Saraakiisha ayaa sidoo kale gacanta ku dhigey Telefoono argagixisadu isticmaali jireen.

Degaanka Baladul Amiin oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa wuxuu hoostagaa degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.