X

Madaxweye Farmaajo oo ka qayb galay shirka iskaashiga Afrika: SAWIRO

Madaxweye Farmaajo ayaa ka qayb galay shirka iskaashiga Afrika. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan Madaxweyne Ku Xigeenka dalkaas Mudane Daniel Kablan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Marcel Amon Tanoh iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas.



Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.