Ciidamada Kumaandosta ee loo tabaray Somaliya ayaa la kordhiyay iyadoo ciidamo hore loo tabaray ay siyaabo kala duwan u yaraadeen. Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta tababbar ugu soo xiray garoonka Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose cutubyo ka tirsan ciidanka kumaandooska ah ee Danab.
Ciidanka Kumaandooska ee tababbarka u socday muddo shan bil ah ayaa ku saabsanaa kor u qaadidda xeeladooda ku aadan difaaca dalka iyo sidii guud ahaan ay dalka uga sifeyn lahaayeen kooxda shabaab iyadoo tababarka ay bixinayeen saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.
Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo tababbara u soo xiray ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa ugu horeyn saraakiisha tababbarka bixineysay uga mahadceliyay sida ay gacan uga geysanayaan dhismaha ciidanka xoogga dalka, waxaana uu ciidamada kumaandooska kual dar daarmay inay xoojiyaan la dagaalanka argagixisada Shabaab, wuxuuna xusay in dhismaha ciidanka ay qeyb weyn ka tahay tiirarka uu Qaranku ku faano, isla markaana uu dhiirigelinayo tallaabo kasta oo lagu horumarinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Ciidanka kumaandooska ah ee Danab ayaa goobta ku soo bandhigay dhoolatus militeri, iyagoo si aad u qalabeysnaa, taasi oo uu si weyn ugu riyaaqay taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishii la socotay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS