Ciidanka NISA ayaa dad farabadan u soo qabtey falal argagixiso oo ka dhana dadka Muslimka ah oo ay inta badan fuliyaan u adeegeyaasha argagixisada shabaab oo ku dhuumanaya Muqdisho.
Howlgalkan oo ka Dhacay Xalay Waaxda Taleex ee Degmadda Hoddan ayaa Ciidanka NISA waxaa ay guri guri u baareen dhammaan Xaafadaha uu howlgalka ka socday, waxaana ay ku soo qabteen dhalinyaro aad u badan.
“Waxaan u Mahadcelinayaa Ciidanka Amniga NISA ee Caawa Howlgalkani sameeyay, waxaan aad ugu riyaaqay runtii sida anshaxa iyo qadarinta badan oo aad ula dhaqanteyn bulshada, waxaana ay nagalisay rajo aad u weyn.
Hawlgalkani waxaa uu ahaa mid lagu ugaarsanayay Cadowga Umaddaan kaas oo markasta shacabka ku dhax-dhuunta, waxaana caawa halkan aan u joogaan Xiligan, waa in aan xaqiijino Ambiga Caasimadda.
Taas oo ah mid naga go’an hadaanahay Maamulka iyo Hay’adaha Amniga Gobolka Banaadir. Waxaan ka codsanaynaa shacabka waxaa ka rabnaa laba arrimood, In ay nagu caawiyaan soo qabasha iyo ugaarsiga Cadowga oo ay noo far-muqaan, iyo in ay noo dulqaataan inta aan ku jirno howlgalada Cadowga lagu baacsanayo”.
Ciidanka ayaa si asluuba ula dhaqmey intii hawlgalkan lagu xaqiijinayo amniga uu socdey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS





Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay