Ciidanka NISA ayaa ku guulaystey qabashada gaadhi argagixisadu shacab ku xasuuqdey magaalada Muqdisho. Argagixisada ayaa fulisa xasuuqyo hoose oo shaqsiyaad u gaystaan laakiin ma sheegtaan
Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa argagixisadu adeegsanaysay Gaarigan ayagoo dilal qorsheysan kaga fuliyay dhowr meelood oo magaalada ah kadibna ku baxsada.
Weerarkii u dambeeyay ee ay fuliyeen ayay shalay ku weerareen Gaari uu watay Wasiirka Caafimaadka Galmudug, waxaana maalintii ka horreysay lagu weeraray Gaari uu watay Darawalka Guddoomiye ku xigeenka Dharkenley kaas oo isla goobta ku dhintay.
Ciidanka NISA ayaa aan seexan si ay argagixisada u tirtiraan una yareeyaan qasaaraha ay u gaysanayaan shacabka Muslimiinta ee ay xalaalaysten dhiigooda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay