X

Ciidanka qaranka miyaa lagu khiyaameeyay Guriceel?

Wararka ka imaanaya Guriceel ayaa sheegaya in maleeshiyaad u daacada urur diimeedka Ahlu sunna oo ku jira ciidanka Galmudug ay dhabarka dambe ka toogteen ciidanka qaranka halkaasna ababtey dhimasho dheeraada.


”Waxa ciidanka qaranka dhabarka dambe ka toogtey maleeshiyaad ku dhexjira ciidanka Galmudug oo ka dambeeyay kuwa Danab waana sida ay u korodhey dhimashada ciidanka ayuu yiri goobjooge.

Goobjoogahan oo isagu daaqada ka daawanaayay ayaa arkay askar ka tirsan maamulka Dhuusamareeb oo rasaasta ka ridaya dhinaca dambe ayna ku dhacday dhowr askarta qaranka ah.


”Waa sababta urur diimeedka Ahlu sunna marna xabad joojin u dalbanayso marna dagaalka u soo qaadayso ayuu yiri Cali Calasow waxa ku filan ciidanka qaranka qudha saacad layslama gaadhayo ayuu raaciyay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.