X

Doorashada horjooge Siciid Deni qabanayo waxba ma soo kordhinayso: WAXGARAD

Shalay wuxuu na yiri doorasho Somaliya dhan kama suurtoobeyso maantana wuxuu na leeyahay sadex goobood ayaan doorasho ka qabanayaa ee codka iigu shuba ayuu yiri Cali Shire oo jooga Boosaaso. Waxa doorashadan loogu talogalay kooxda beesha caalamka waxayna gacanta ugu jirtaa horjooge musuqu hadheeyay.


”Waxay iila muuqataa i arka waxaan doorasho ka qabanayaa Butlaan laakiin Somaliya kama dhacayso ayuu yiri Oday Siciid Ciise oo ka mida waxgaradka Garoowe. Ilaa hadda nidaamkii doorasho umaba eke ma beri oo ay tahay in la codeeyo ayaa diiwaan geli la samaynayaa, waa iskaga shubo iyo fowdo.


Doorashadan oo lacagteeda ay bixiyeen kooxda beesha caalamka iyo Imaaraadka, waxaan arki doonaa ayadoo kooxda beesha caalamka ee Siciid Deni u xiran yahay ay aad u dhaweyn doonaan. ”Ujeedada weyn ayaa ah in nidaamka qabaliga ah dhidibada loo taago, ayaguna yeeshaan meel ay dalka ka cadaadin karaa ayuu yiri Cali Calasow.


”Somaliya dal ma noqonayso ilaa ururada xisbiyada dalkoo dhan looga codeeyo, waxase ka dhacaya Butlaan iyo maamulka Somalidiidka ee Hargeysa iyo Burco ee hadda u hogaamiyo Muuse Handaraab, waxay ka mid yihiin qorshaha dheer ee kooxda sheegata beesha caalamka ay ka leeyihiin Somaliya ayuu raaciyay Cali Calasow.

”Marnaba ma dhacayso in dalka jufo kala lahaato yuu qabaa Xuseen Warsame.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.