November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ciidanka ugu fiican Koofurta Somaliya ee nabadsugida oo gurigooda biyo ugu soo galeen

Taliyaha Ciidamada Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa waxaa uu sheegay in ay dhawaan gacanta ku soo dhigeen Rag xirnaa dareeyska Ciidanka NISA kuwaas oo dadka shacabka iyo ardayda jaamacadaha ka dhaca  Laabtoobyada iyo Moobeelada.

Taliyaha ayaa waxaa uu intaa ku daray in ay dadka buun buuniya wax yaabaha ka dhaca gudaha dalka gaar ahaan Muqdisho ay kaga daran yihiin kooxda dhiigmiiradka ee Shabaab oo ay iyaguna talaabo ka qaadi donaan isagoo tusaale u soo qaatay diyaaradii Daallo Airline.

Taliyaha ayaa la hadlayay ciidanka xooga dalka oo aad u taagdaran atyna saran tahay cunaqabatayn iyagoo taas ay u dheertahay in asynas helin nolol maalmeedkooda. Tuugada xirta dharka NISA ayaa khatar ku ah sumcada ciidanka halisna gelin kara.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS