Ciidanka xooga dalka ee gobolka Galguduud ayaa dib u jafjafay xeradii uu deganaa ciidankii qaranka Somaliyeed ee cadowgu ku dhiiran waayay inuu ku dhaco sanadihii dalku dhisnaa. Xeradan 21-aad ayaa dalka laga difaaci jirey jiidaha gobolada Galguduud, Hiiraan iyo ilaa Mudug.
Xeradan oo ku taala Duleedka Galinsoor ayaa ka kooban Qaybta Keydka Hubka, aagga Daloolada Gaadiidka , Garoomada Ciyaaraha iyo Garoon diyaaradeed.
Waxaana Dhismaha Xerada Balan qaadey Dhawaan Taliyaha Qaybta 21-aad Sareeye Guuto Yuusuf Cabdulqaadir “Kaanti” Balantaasi oo maantaba fulinteedu Bilaabatey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS