X

Sucuudiga oo ka mida wadamada dhaqa lacagta

Fadeexada ugu weyn ayaa ah in Sucuudiga lagu daray wadamada dhaqa lacagta iyo Sucuudiga oo qaylodhaan ka keenay. Muidowga Yurub ayaa soo saaray liistada wadamada dhaqa lacagta doolarka iyo kuwa gudahaba.


Talaabadan ayaa qayb ka ah xakameynta lacagaha la dhaqo. Liistada la soo saaray ayaa waxa ku jira wadamo la yaqaano inay musuqa ku horeeyaan sida Nayjeeriya, Banama iyo wadamo kale.


Sacuudiga oo ka jawaabaya eedayntaas ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay go’aanka, sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Sacuudiga, waxaa uu intaa ku daray in Sacuudiga uu mudnaan gaar u leeyahay ka hortagga lacagaha la dhaqay iyo maalgelinta argagixisada.


Sucuudiga ayaa maalgeliya dhamaan argagixisada caalamka ee dalalka muslimiinta ka gaysta dilalka balaaran ee lagu hoobtey.

Aduunka kale ee iyaguba dhaqda lacagaha ay siiyaan Afrika iyo Eeshiya ayaa walaac ka muujiyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.