Ciidamada xooga dalka Somaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Saaka la wareegay degaanka Ula-jaraf oo qiyaastii 20 KM ka xiga dhanka Koofureed magaalada Jowhar iyo tuulooyinkale oo ku teedsan aagaasi.
Ciidamada ayaa halkaa kula Wareegay Dagaal la’aan ka dib markii ay iskaga baxeen argagixisada Shabaab oo mudo iyagu halkaa maamulayey.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in degaankaas uu Muhiimad weyn u lahaa argagixisada iyagoo cashur ka helayay.
Sidoo kale Degaano kale oo dhaca Bariga Gobolka Galgaduud ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya waxaa ay ka wadaan Howlgalo lagula Dagaalamayo dhiigmiiradka.
Ciidamada xooga dalka ayaa hore ula wareegay deegaanka Janaale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay