X

Ciidanka xooga oo si cajiiba u soo afjaray colaad ka taagneyd Mudug: SAWIRO

Kulamo ka kala dhacay Afbarwaaqo iyo Toowfiiq oo ah tuulooyinka laba jufood isku cunayeen dhawaanahan ayaa laysugu keenay waxgaradka degaanadaasi oo uu kala dhex fadhiyo ciidanka qaranku.



Walaalayaal xal kuma jiro inaan sidan isku cuntaan ayuu yiri taliyaha lugta oo horkacayaay dhex dhexaadinta. Laba beelood oo wada fadhiya ayaa ku qanciyay daminta ay wadaan cidanka qaranku.

Guushan aya imaanaysa kadib markii labada maamul ee Butlaan iyo Galmudug ay kui fashilmeen inay demiyaan colaada inay u kala saftaan mooyee.


“Waxaan bogaadinayaa dadaalada nabadeed ee saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku kala dhexgalayaan beelaha walaalaha ah ee ku diriray deegaanada Bariga gobolka Mudug (Afbarwaaqo iyo Tawfiiq). Waa hawlihii rasmiga ahaa ee ciidamadu qaranku u taagnaayeen ayuu yiri xildhibaan Axmed Fiqi.

Waa in maamulada fashilmey sii dhiirigeliyaan in guushan laga sii amba qaado halkeedaa ee aan la sii hurin ama la abuurin isku dir kale ayuu yiri xildhibaan kale.


Guushan ciidanku gaaray ayaa imaanaysa markii waxgaradka Towfiiq goobta ka eryaan masuuyiin ka socda Butlaan soona dhaweeyeen ciidanka qaranka.

C/llaahi Warmooge

ARAARBINEWS

admin:

This website uses cookies.