X

Ciidanka Yaman oo gantaal la helay taangi saliid ka buuxdo dalkaasi Sacuudiga

Weerarkan lagu ekeeyay wahaabiyada Sacuudiga ayaa imaanaya kadib markii sanadkii hore gantaalo lagu baabiiyay ceelal badan oo saliida laga soo saaro oo ku yaal Koofurta bariga dalkaasi.


Sacuudiga ayaa qirtey in gantyaal ku dhacay mid ka mida taangiyada ay ku jiraan saliida uuna dalooliyay hal mitir in leeg laakiin laga gaaray oo ayna jirin saliid qubanaysa.

Ciidanka Yaman ayaa shaaciyay in gantaalka nooca loo yaqaan QUDUS ay ku weerareen wahaabiyada Yuhuuda ku daba dhegan oo hubkii ay lacagta badan uga khasaartey waxba u tari waayay.


”Qaybtii saliida siinaya Jidda, Maka oo muhiim ahayd ayuu gantaalku ku dhacayayuu yiri nin u hadlay Sacuudiga. Waxana soo gaaray burbur xoogan laakiin laga gaaray.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.