X

Kuwo leh 1992 ayaa loo noqonaa waxaan leehay guryahan xaaraanta kumeydaan jirteen

Siyaasi C/llaahi Sheekh Xasan ayaa u caqli celiyay kuwa leh waxa loo noqonayaa 1991 oo u badan jufadiisa Hawiye siiba kuwo hore u fashilmey sida Xasan Sheekh iyo Shariif Sh Axmed. Waxase ugu sii daran Suudi Yalaxow oo ahayd inuu jeel ku jiro haddase sun ka soo afuufaya sheekada aqalka sare oo lagu biilo lacagta dadkii uu muddada horjoogey ayuu yiri Cali Calasow.


”Waxaan leehay kuwa leh 1991 ayaa loo noqonayaa adeer guryahan aad xaaraanta ku hesheen kumeydaan jirteen ee masaakiinta laga dhacay ee dhulka aayar fadhiya ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqda in nasiib darada haysata ummada Somaliyeed siiba dhinaca hogaanka in welli ayna jirin musharixiin karti leh oo dhibkadalka ka saari kara.


”Waxaan ku qoslaa kuwa leh hala bedelo guddiga doorashada, guddiga doorashadu ma codbey bixiyaan mise iyaga wax dooranaya, waxay muujinaysaa isku kalsooni la’aantooda iyo biyo isku qarintooda ayuu yiri C/llaahi Sh Xasan.

Xilligii lagu awrkacsan jirey qabiil waa dhamaadey ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.