X

Ciidanka Yaman oo wahaabiyada Sacuudiga ka gubey diyaarad

Kadib weerar uu Maraykanka u waayay awood uu kaga celiyo wahaabiyada gantaalo ay soo gameen diyaaradaha aan is wadin ee Yaman ay ku gubeen diyaarad fadhidey garoon had iyo jeer laga gumaadi jirey shacabka Yaman.


” Weerarkan waxaan qaadney Sabtidii shalay waxana Alle nagu guuleeyat inaan hawada ka saarno diyaarad cadowgu ku gumaadi jirey shacabkeena oo ay wadaan Maraykan iyo Yuhuuda ayaa lagu yiri qoraal.

Wahaabiyada Sacuudiga ayaa qiratey in diyaarad fadhidey laga gubey halka marna sheeganayaan in Maraykanka ka difaacay.


Maaha markii ugu horeysay ee ciidanka Yaman ee tamarta yar haddana wahaabiyada ka baqdo ay duqeeyaan garoonka Abxa oo u dhow xadka Yaman halka xilli hore ay hilfaha u qaadeen goobaha saliida lagu keydiyo ee dalkaasi.


Sacuudiga oo kaashanaya gaalada waaweyn ee Maraykanka iyo Yuhuuda ayaa waxba ka qaadi waayay ciidanka Yaman ee haya niyada ay ku dagaalamaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.