X

Haween maata ah oo dhiigmiiratada shabaab dileen oo aad looga murugooday

Waxa aad iyo aad looga murugooday haween maata ah oo dhiigmiiratada shabaab ku dileen magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Dayniile. Haweenkan ayaa qaarkood la sheegay inay xaamilo ahaan. Waxaan ognahay in dhiigmiiratada shabaab waxba u kala soocneyn.


”Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun weligay xasuuq sidaana ma arkin naar lagu tuurtu maatada aan waxba galabsan ma ka xishoon waayeen ayay tiri haweenay ad u murugsan oo aragtey sida loo xasuuqay.

Fuleyda nijaasta dhiigmiiratada ah ayaa goobta ka cararay markay bastoolada ku weerareen haweenkan maatada ah ee aan lahayn awood ay isaga celiyaan ayay turi Xaawo Culusow.


Maaha markii ugu horeysay ee nijaastu ay dilaan maatada waana bartilmaameedka ay ugu jecelyihiin, mana kala ah caruur nin weyn iyo indhoole intaba.

Waxa taas ka sii daran marka la soo qabto waxa jeelka lagu hayaa muddo dheer halkii dhegta dhiiga loo dari lahaa si dadkii dadkooda la xasuuqay ay u helaan cadaalad.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.