30/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ciidankayaga iyo kuwa argagixisada waxay si isku mida u wada haystaan qoriga AK-47: Farmaajo

Ciidankayaga iyo kuwa argagixisada waxay si isku mida u wada haystaan qoriga AK-47 oo ay isku baacsanayeen sanado taas oo keentay in ay sheekadu noqoto jugjug meeshaada joog.

Waa hadalkii Farmaajo ka jeediyay shirka London ee faaiido daradu ka soo baxdey. Wuxuu kaloo sheegay in taas dhinaceeda kale AMISOM la siiyay qiryo waaweyn oo bedeshay sheekada.

Wuxuu ku doodey in cunaqabataynta huibka ee saaran Somaliya ay tahay mid gacmaha loo qabtey ummada Somaliyeed in argagixisadu ku dul socoto sidey doonaana ka yeelaan.



Wuxuu sheegay inkasto hubka qayb ahaan nalaga qaadey hadana waa lagu taagan yahay dalka taas oo kuu cad in Somaliya tahay mashruuc laga shaqaysanayo.

Arintan ayaan ahayn mid cusub waxana jira in hubka qaadista ay ku fadhiyaan dawladaha deriska iyo qayb ahaan isla Ingiriiska oo had iyo jeer ku dooda in Somalidu isku dileyso fursadna siinaysa argagixisada.



Farmaajo ayaa sheegay in Carabtu KA CAFIDEY DAYNTII AY KU LAHAAYEEN Somaliya taas mid la mid ahna ay hadda u wada socoto wasaarada maaliyada iyo bangiga aduunka wadadii lagu cafin lahaa daymaha kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS