23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ciidanku way garan waayeen si ay xabad ugu ridaan meel cunugyar ka oynayo: Xasan Sheekh oo hadlay

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa booqdey maqaaxidii argagixisada shabaab ku xasuuqdey dadkeena, wuxuuna tilmaamey sababta dheeraysay in ciidanku soo afjaraan xasuuqa argagixisada oo uu ku sheegay in ciidanku garan waayeen si ay xabad ugu rideen meel cunugyar ka oynayo.

Waxa kale oo uu sheegay in xataa ay u suurtoobi waydey ciidaka meel ay ka galaan oo qarax ku jabiyaan maadaama caruur iyo hooyooyin ay goobta ku sugnaayeen taas oo uu sheegay in ay keentay in ciidanka qaar kaga dhaawacmaan.

C/llaahi Warmnoge

ARAABINEWS