Ciraaq ayaa duulaan ku qaadey magaalada Kerkuuk ee Carabtu leedahay ee Kurdiyiinta kibirtey xoog ku qabsadeen kadib markii argagixisadu soo weerartay Woqooyiga dalkaasi sadex sano kahor.
Kerkuuk ayaa ah magaalo Carabtu leedahay waxayna leedahay saliid, saliidaas oo Kiurdiyiinta ku dhawaaqay madax banaanida Yuhuuduna taageertay ay ka dhoofsadaan.
Turkiga ayaa xirey dhuuntii saliida Kerkuuk ka timaada uu ka dhoofin jirey markii ay ku dhawaaqeen madax banaanida. Kurdiyiinta ayaa waxa Ciraaq u jabiyay Maraykanka kana dhigey goob ismaamusha, waxayse ku kibreen ismaamulkii la siiyay.
Ciraaq ayaa weerar ku ah Kerkuuk si ay saliidaas ula wareegto gacantana ku soo celiso garoomada Kurdiyiinta gacanta dawlada dhexe.
Wadamada Ciraaq, Iiran , Siiriya iyo Turkiga ayaa ka cadheysan Kurdiyiinta kibirsan ee raba in ay ka faaiideysaan burburka jira saldhigna uga dhigaan Yuhuuda meel ay uga duulaan Iraan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay