Mosul waxay ahayd magaalo qarniyo ku fadhidey xadaarad aad u weyn ilaa intii ayna magaalada xidid siibin argagixisada cadowga diinteena ee la baxdey DAACISH reer galbeedkuna ugu yeeraan ISIL.
Dawlada Ciraaq ee lacagta leh laakiin ay ragaadisey colaad uu Maraykanku dhex digey dadka Muislimiinta ee wada degan markii uu hub iskugu dhiibey xukunkiina ka tuurey hogaamiye Sadaam ayaa isku diyaarinaysa in ay soo celiso xadaaradii Mosul.
Argagixisada oo dhufeysyo ka samaystey guryihii dadkii ay qixiyeen ayaa la filayaa in ayna magaalada ka bixin ilaa guri kasta lagu dumiyo sidaana u dheerado dib u soo noqoshada dadkii qaxay.
Waxayna talaabooyinkaasi ka mid yihiin khidooyinka ay isticmaalaan kuwa aan diin waxba ka garanayn ee u adeega cadowga diinteena suuban ee ka CAAGAN in dad Mslimiina guryahooda laga barakiciyo oo banaanada cadceeda iyo gaajada ugu dhintaan.
Ciraaq iyo Siiriya oo labadaba ay tag dareeyeen Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa midkoodba dhinaca kale ku mijaxaabinayaa argagixisada diinteena ku qaraabata ee DAACISH.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay