X

Ciyaarta kubada cagta oo markii ugu horeysay laga ciyaaray XALAB oo akhwaanka laga xoreeyay: SAWIRO

Waxa dib u soo noqotey nolosha magaalada Siiriya ugu weyn ee XALAB halkaas oo bil iyo badh kahor laga xoreeyay argagixisada Turkigu taageero ee akhwaan Muslimiinta.

Ciyaar xiise leh ayaa dhexmartey laba naadi ee Xuriya iyo Al-Itixaad aya waxa dawadey dadweyne farabadan iyadoo goobta at joogeen ciidan adag oo amniga ilaaliya.



Dadweynaha ayaa ku farxay nolosha soo noqotey oo ay ka mid tahay isdhexgalka bulshada ay kala geeyeen argagixisooyinka burburiyay noloshii dadka.

Sawirka madaxweynaha Siiriya ayaa goobtana ka taagnaa. Bil iyo badh kahor ayay ahayd markii argagixisada akhwaanka lagu jabiyay magaalada barigeeda oo dadkii ku soo noqonayaan inkastoo xoog u burburtey maadaama argagixisadu dhufeys ka dhigatey guryaha.



Waxa ciyaartan guushu raacdey kooxda Xuriya oo laba gool iyo hal  ku dirtey kooxda Al-Itixaad.

Dhinaca kale dawlada Siiriya ayaa calanka dalka ka taagtey xarunta biyaha looga keeno caasimada oo argagixisadu fadhidey.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.