X

Somalida wadata baasaboorada ajaanibta ah oo dhan oo ka maduuca Maraykanka iyo Iraan oo hadashay

Dawlada Iraan ayaa sheegtay in dalkeeda ay ka madnuuc yihiin muwaadiniinta Maraykanka kadib markii cunsuri Trump uu madnuucay muwaadiniinta reer Iraan.

Waxa hadda soo baxday in Somali kasta oo wata baasaboor ajaaniba in aanu tagi Karin Maraykanka mudada sadexda bilood ee Trump qabtey.



Siyaasiyiinta Maraykanka ayaa sheegay in Trump uu ku awr kacsanayo wadamo faqiira oo dalkiisu qayb ka ahaa burburintooda ee ay ahayd in uu joogto ka dhigo haday runtahay Muslimiin ayaan ka joojinayaa dalkeyga.

Waxay qabaan in ujeedadu tahay waxaan fuliyay axdigii ololaha doorashada, isagoo u isticmaalay wadamo aan awood lahayn oo Maraykanku qayb ka ahaa burburintooda sida Liibiya, Ciraaq iyo Siiriya.



Inkastoo aanu jirin xiriir u dhexeeya Maraykanka iyo Iraan hadana waxay u tahay jawaab fiican oo looga dayan karo. Somalida wata baasaboorada ajaanibta sida Ingiriiska iyaguna waxay ku jiraan dadka aan rtagi Karin maadaama at ku dhasheen Somaliya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.