November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ciyaaryahanka Adebayor ee xulka dalkaasi Togo horena ugu ciyaari jirey kooxda Arsenal ee Ingiriiska oo Muslimey

Ciyaaryahanka caanka ah ee Emanuel Adebayor ee u ciyaari jirey kooxda Arsenal ee Ingiriiska haddana u ciyaara kooxda kale ee isla Ingiriiska Tottenham kana tirsan xulka qaranka ee dalkaasi yar ee Togo ayaa dib ugu soo noqdey diinta Islaamka. Adebayor ayaa u dhashay qoys aan Muslim ahayn wuxuuna hadda ku soo laabtey diinta Muslimka oo qof kasta ku dhasho.

Xaflad weyn oo shahaadada loogu qabtey ayaa lagu qabtey dal ka mida Afrika halkaas oo dadku aad u dhaweeyeen ciyaaryahankan aan sanka laga galin diinta laakiin iskii u soo Islaamay.

ARAABINEWS.COM