X

Ciyaaryahanka Jarmalka ee Mehmet Ozil oo Erduqan ku casuumay arooskiisa

Mehmet Ozil oo asal ahaan ka soo jeeda Turkiga laakiin ku dhashay Jarmalka una ciyaari jirey xulka qaranka ee dalkaasi una qaaday koobkii aduunka e Barasil ayaa madaxweynaha Turkiga ku casuumay arooskiisa.


Markii Jarmalku ka hadhay koobkii aduunka ee Faransiisku qaaday ayaa cunsuriinta Jarmalku weerareen kulan uu la qaatey madaxweynaha Turkiga kadibna uu sheegay inuu ka haray xulka Jarmalka maadaama la caayay xidigkiisa Turkinimada.

Talaabadaas oo keentay in Mehmet Ozil sii jeclaado dalkiisa kana fariisto u ciyaarida xulka Jarmalka, kadibna u wareegay Ingiriiska halkaas oo uu u ciyaaro kooxda Arsanaal.


Mehmet Ozil iyo gabadha uu guursanayo oo ah la yiraa Aamina Gulse oo iyadu ah gabdhaha wax xayaysiiya kuna nool Turkiga ayaa isla boodey laba bilood kahor.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.