X

Sidee loo sii sagootiyay madaxweyne Ismaaciil kadib safarkii Jabuuti: SAWIRO

Madaxweynaha Jabuuti aya booqasho laba maalin ah soo gabagabeeyay, booqashadaas oo ku soo dhamaatey guul. Xalay ayay ahayd markii madaxweynaha lagu sharfay casho Sharaf isaga iyo martidiisa.

Madaxweyne Ismaaciil iyo madaxweynaha martida loo yahay ee Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa xariga ka wada Jaray safaarada Jabuuti ay ku leedahay Muqdisho oo dib u casriyay lagu sameeyay.


Khudbad uu madaxweyne Ismaaciil ka jeediyay labada aqal ee Somaliya ayuu ku farxay sida loo sharfay. Guud ahaan booqashadii madaxweyne Ismaaciil ayaa lagu fasiray mid si fiican layskaga bogtey arimo badan.

Jabuuti ayaa ah dawlada kaliya ee hadda dhisan ee Somaliyeed ayadoo dawladii weynayd ee Somaliyeed ay burburtey.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.