X

Ciyaaryahankii Beelle oo xaraashaya dhamaan hadyadihii uu ku helay kubadda cagta: SAWIRO

Ciyaaryahankii reer Braasiil ee Beelle ayaa xaraash ku bilaabay dhamaan hadyadihii iyo biladihii uu ku helay kubadda cagta mudadii uu u ciyaarayay xulka qaranka dalkiisa iyo waliba naadiyada Braasiil.

Xaraashkan oo ka dhici doona caasimada Ingiriiska ee London ayaa la filayaa in ay u soo hoyso lacag gaaraysa todoba milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Biladahan iyo hadyadahan la siiyay Beelle oo xulka qaranka dalkiisa u ciyaari jirey sanadihii ka horeeyay todobaatankii ayaa gaaraya ilaa 40 kala duwan oo uu ku jiro xataa baasaboorkii uu ku dhoofey iyo tigidhadii uu ku dhoofey.

Beelle ayaa guulo u soo hooyay dalkiisa xilligii uu haystey ninka ugu xariifsan aduunka inkastoo xariif ahaan aanu gaari Karin Maradona marka hadda la fiiriyo ama laysku barbardhigo.

Braasiil ayaa qaadey koobka aduunka sanadihii isagu u ciyaari jirey ee 1958, 1962 iyo 1970. Waxyaabaha uu iibinayo ayaa xataa waxa ku Jira shaadh uu toos u xirtey iyo kabo uu ku ciyaaray.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.