X

Gaas iyo Axmed Madoobe oo qorshe saxa hordhigey Xasan Sheekh oo raba in beeshiisu ku shubato Banaadir

Warar deg deg ah oo aan hadda ka helnay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in Puntland & Jubbaland ay ogolaadeen in xubno la siiyo gobalka Banaadir, balse waxay sharuud ka dhigeen in xubnaha lasiiyo Banaadir ay noqdaan kuwa lagu qeybsado Nidaamka 4.5, oo ay beelaha Soomaaliyeed oo dhan si siman u qeybsadaan.

Xogtan waxay sheegaysaa in Puntland & Jubbaland ay labaduba aqbaleen qoondada gobalka Banaadir, ka dib markii ay cadaadis kala kulmeen wakiilada caalamiga ah oo si aad ah looga dhaadhiciyey arrimahan.

Laakiin Madaweynaha dawladda Faderaalka oo la Tashadey Xildhibaano & Shaqsiyaad BEESHIISA ah ay diideen oo ay rabaan in kuraas saaida ka helaan gobolka Banaadir oo awal ahaa laba xaafadood intii Muqdisho ayna noqon caasimada dalka.

Aqalka sare oo Somaliya ayna u baahnayn ayaa waxav saxiixay fadhiid Sheekh Shariif iyo Faroole oo iyagu ku fekerayay in ay sii joogaan xukunka dalka.

Taas ka dib Jubbaland & Puntland waxay sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin xubno dheeraad ah oo lasiiyo Banaadir oo aan lagu qeybsan Habka awood qeybsiga beelaha, haddii ladoonayo in Muqdisho ay noqoto caasumadda Soomaaliya.

Wakiilada caalamiga ah ayaa ku jira xalkii ugu dambeeyey, waxaana suuragal ah in oo ay dajiyeen qorshihii iy waqtigii ay dhici lahaayeen doorashooyinka Soomaaliya, sidaasna waxaa noo sheegay xubno aad ula socda shirarkan oo hadda kusugan Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.