X

Ciyaaryahankii Gary Linikar oo xaaskiisa ku furey caruur ay rabtey in ay dhasho

Ciyaaryahankii hore ee Ingiriiska Gary Linikar ayaa xaaskiisa ku furey caruur ay rabtey in ay dhasho. Furitaanka ayaa u dhacay si aan kharash badan ku bixin waxayna sheegeen in ay hadda yihiin laba qof oo saaxiiba. Gary Linikar ayaa xulka Ingiriiska u ciyaari jirey sanadihii sideetamaadkii iyo horaantii sagaashanadii wuxuuna hadana yahay wariye ka shaqeeya qaybta telefishanka ee Idaacada BBC.

Furiinka noocana ayaa dad badan la yaabeen qaasatan dadka aan haysan caruur inkastoo Linikar uu leeyahay caruur waynaatay halka xaaska hadda ay kala tageena ay iyadna leedahay ilmo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.